|

06/07/11-DIRE-DAWA: Dagaalo khadhaadh oo dhexmaraya beelaha soomaalida iyo canfarta

 Wariyaha gobolka shiniile ayaa ku soo waramaya inay dagaalo khadhaadh ka socdaan nawaaxiga magaalada Gadhmalu goobta loo yaqaan Maddane ee gobolka Shiniile kaas oo dhexmaraya beelaha soomaalida iyo canfart. Dagaaladan ayaa bilaabmay saaka subaxii tan iyo caawana waxaa lagu soo waramayaa inay socdaan. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada federaalku ay goobta joogaan balse ay awoodi waayeen inay is hortaagaan ciidamada deegaanka canfarta ee loo yaqaan Liyuu Boolis kuwaas oo dagaalka la soo galay hub culus iyo saanad badan.
Dadka daggan magaalada gadhmalu iyo nawaaxigeeda ayaa iyaguna dhankooda is abaabulay oo iska difaacay dagaalkaa oo aad u cuslaa. Ciidamada canfarta ayaa horta subaxii hore dagaalka soo qaaday balse dadka oo ka sii warqabay ayaa iska caabbiyay. Mar labaad ayay haddana soo qaadeen galabta iyaga oo soo biirsaday ciidan farabadan waxaana dhacday in dib looga soo gurto.
Mar saddexaad ayuu haddana ka bilaabmay isla goobtii caawa halkaas oo dib loo riixay. Wararkii u danbeeyey ayaa sheegaya in soomaalida ilaa hadda lahayo 2 dhimasho ah iyo 8 dhaawac ah. Ilaa hadda lama oga dhimashada iyo dhaawaca balse warar ka laga soo xigtay magaalada awash ayaa sheegaya in ay dhinteen ilaa 14 qof.
Dawladda federaalka ee uu horkacayo wasiirka arrimaha federaalka Dr. Shifaraw ayaa tan iyo waagii la
magacaabay ku jira dagaal xooggan oo ka dhan ah soomaalida. Wariyuhu waxa uu intaa ku daray inay soomaalida ay haysato rasaas la’aan oo dagaal saakaba lagu galay rasaas laga furtay ciidamada canfarta ee loo yaqaan liyuuga. Wixii faahfaahin ah wararkayaga danbe ayaad kala
socondoontaan.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]