|

11/16/11-Sooyaalka websiteyada faafiya (XoogaalOnline) borobagaandaha Cabdi Iilay oo badhankood ay caadaysteen cayda beelaha Soomaaliyeed qaarkood

Waxay dad badani isweyddiiyaan xidhiidhka ka dhexeeya madaxweynaha deegaanka iyo qaybo ka mid ah saxaafadda sida idaacadaha iyo warbaahinta aaladda intarneeka kuwa ay soomaalidu leedahay.
 
Maanta waxaan rabnaa inaan u ifinno xidhiidhka madaxweynaha deegaanka iyo saaxaafadda siiba dadka  xiiseeya siyaasadda deegaanka.
 
Haddaba marka aan dib ujaleecno xidhiidhkan warbaahineed ee madaxweynaha waa Cabdi Iileye, waxa uu bilaabay inuu telefishinka soo horfadhiisto muddo laga joogo shan sano markii laga dhigay hoggaanka nabadgalyada oo ah meesha ammaa qodka uu ka fuulay siyaasadda deegaanka.
 
Markii hoggaanka nabadgalyada laga dhigay waxa uu bilay si uu isu soo saaro inuu ka sheego idaacadaha waxqabadkiisa nabadgalyo taas oo soo jiidatay run ahaantii nimankii ciidamada ahaa ee ka shakisanaa dadka soomaalida siiba beesha ogaadeen. Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray inuu ka hanjabo kana caytamo arrimaha la xidhiidha nabadgalyada.
 
Waxana uu jabiyay khad cagaarnaa oo ninka soomaaligu uuna ku dhicin isaga oo soo bandhiga hadallo cadcad oo uu ku leeyahay waxaan
geesi u aqaannaa ninka ogaadeena ee soo dila nin ina adeerkii rumaada ah. Dadkii iyo saaxiibadiisii kula jiray dawladda waxa ay bilaabeen inay ka cabsadaan waayo wax ay samayn Karin ayuu sameynaayay.
 
Madaxweynaha durbaba waxaa ka shidaal qaatay idaacadiihii dalka gabi ahaantood ha ubbadnaato kuwa ku hadla afsoomaaliga. sannadkii 2008tii waxa uu go’aansaday inuu dagaal ba’an la galo weebsaydyada siiba Xaajo iyo Eegga oo ahaa tageerayaasha ururka ONLF.
 
Waxana uu bilaabay inuu sameeyo weebsaydka hadda la moodo inay dawladdu leedahay sida ‘cakaaranews’. Waxaana durbaba uu ku bilaabay inuu soo gasho meydadka xubnaha laga dilo ururka ONLF si uu ubeeniyo sheegashada guulaha ay sheegtaan ah ee ONLF inkastoo aynan jirin war dhex dhexaad ah oo labada dhinac ee ishaya ka madax banaan.
 
Waxaana ka mid ahaa maydkii allaha unaxariistee Dr. Siraad doolaal oo ku jiray ilaa muddo bila ah. Arinkan mudada bisha ah sawirka maydkani uu ku jiray ayaa ah mid ka baxsan islaanimada, dhaqanka suuban ee soomaaliyeed iyo waliba anshaxa saxaafada. Cakaara wakhti yar gudaheed waxay ay noqotay caan; dhan waxaa laga soo galiyaa been abuur ay sameyso dawladdu, dhanna waxay dagaal kula jirtay labada websayd ee kor ku xusan, waxaana maareeye looga dhigay nin hadda xabsiga ku jira oo la yidhaahdo Guuleed Casoowe waxaana la odhan karaa waa ninka baray qaabka loola dagaallamo dadka aaminsan mabaaddiida kale waxana uu aqoon u leeyahay  dhanka koombiitarka.
 
Wax yar kaddib Iiley waxa uu bilaabay in uu soo galiyo kuna caayo cidaha dawladda ka tirsan ee ay isku dhacaan waxaana ka mid  

ahaa guddoomiyihii hore ee xisbiga Cabdifataax iyo kuwa kale oo farabadan. Arrimahan awgood waxay durbaba isku dhaceen madaxweynihii deegaanka ee kolkaa Daa’uud maxamad cali oo isagu afka farta ku hayay.
 
Cabdi waxa uu waxoogaa ka cabsaday Daa’uud laakiin waxa uu la tashaday Guuleed Casoowe waxa ayna go’aansadeen inay la heshiiyaan ama ay iibsadaan websaydka loo yaqaan ‘Wabishabeele’.
 
Waxayna bilaabeen inay cakaara soogaliyaan borobagaandhaha iyo wararka waxqabadka dawladda ee la buun buuniyay,’wabishabeelana ay soo galiyaan cayda nimanka ku jira dawladda ee ay is hayaan sida Daa’uud, Cabdifataax, Suldaan iwm. Daa’uud habayaraatee ma ogeyn inuu Cabdi leeyahay amaa uu kiraystay weebsaydkan aan soo sheegnay.
 
Cabdi intaa uun kuma joogsan waxa uu bilaabay 2010kii inuu 1million oo birr  kula heshiiyo war shan daqiiqa ah maalin kasta eedaacadda Universal TV iyada oo bulshada deegaanka macaluuli ay ku habsatay.
 
Dhanka kale waxaa soo biiray websaytyo farabadan oo ka soo horjeeda mabda’a madaxweynaha iyo qaabka uu wax u maamulo laakiin waxa uu haddana isla sanndakan ku guuleystay inuu la heshiiyo labo weebsayd oo kala ah Xaajo iyo radiojigjiga oo uu ku tuhmi jiray garabkii Dr.siraad doolaal iyo guddoomiyihii hore ee xisbiga, C/fataax.
 
Wadaxweynuhu waxa uu markii u horeysay dareemay in lagula jiro loolan saxaafadeed oo aad uweyn waxana uu go’aansaday inuu furo idaacad deegaanku uu leeyahay oo ku jirta ‘Arabsat’ waxa kale oo uu bilaabay si uu isku waafajiyo wararka iyo borobogaandhadiisa inuu deegaanka hooskeeno idaacadda Itoobiya qaybta afsoomaaliga, uuna ku guuleystay.
 
Sanaadkan 2011ka ayaa noqday sannadkii ugu xumaa ee Cabdi soo mara 
 

dhanka saxaafadda;waxaa daba guray websaydyo farabadan oo ay ka midyihiin dirdawanews, kilil5 iyo waliba radiojigjiga oo markale soo rogaal celiyay dabagurkii ay ku hayeen cabdi Iiley. Cabdi intaa waxa ugu biirtay beelaha soomaaliyeed ee ka soo horjeeda kuwaas oo cabashadooda ka muujiyay idaacadaha sida BBC, VOA iwm.
 
Cabdi waxa uu bilaabay inuu durbaba la hadlo ergooyinka idaacadahan ujooga siiba BBCda geeska Africa ee qaybta soomaaliga, waxana uu ku guuleystay inuu la yeesho xidhiidh wanaagsan waxana uu keenay  kuna qaabilay magaalada jigjiga.
 
Cabdi waxaa lagu ogaaday inuu leeyahay(kiraystay) websaydkii ‘wabishabeele’ waayo websaydyada ka jira deegaanka hannoqoto diredawanews, kilil5, radiojigjiga, wardheer iwm habayaraatee ma awoodi karaan inay deegaanka wax ka soo duubaan iska daa inay shirka kaabineetka dhex fadhiistaan oo sawiro ka qaataan.
 
Waxaaba halis ah in la ogaado mulkiilayaasha cid ay qaraaba yihiin oo daggan deegaanka iyada sida la ogyahay Diredanews laga xayiray dalwaynaha Ethiopia falkaas oo aad iyo aad aan uuga xunahay,laakiinse aan balan qaadayno in xaqiiqda jirta aan usoo bandhigto akhristayaashayada sharafta leh.
 
Kaddib markii la ogaaday arrintan, Cabdi, si uu miisaanka dheeliyey ee saxaafadda udheeli tiro waxa uu bilaabay inuu sameeyo weebsayt cusub oo la yidhaahdo’xogogaal’.
 
Weebkani dadku inta badan uuma haystaan cida leh inay Cabdi Iilay tahay waayo wararka ku qoran, sawirada joogtada ah ee kaabineetka, xarumaha ciidamada, wararka ciidamada ee joogtada ah, sawirada madaxweynaha ee hadba cusub iwm ayaa ah tilmaamayaasha dhaw ee mulkiile Cabdi Iiley.
 

Cabdi Iilay waxa uu bilaabay/sameeyey kaddib beelo badani markii ay ka soo horjeesteen, waxana uu uga dan lahaa inuu iskaga caabbiyo eedaha kaga yimaadda beelaha. Waxaanan ogsoonnahay in lagu caayay beelo badan, shakhsiyaad badan, musheekh badan iwm oo ilaa hadda socda.
 
Isku soo wada duub maanta waxaa lagalay xaalad cusub, shacbkii deegaanka, qurbajoogtii, dawladdii federaalka dhammaanba waxaa la ogaaday shaqadiisa uweyniba inay tahay ka hadalka, fidinta borobagaanda aanan jirin.
Isaga oo caadaystay aflagaadada iyo cayda qaawan ee beelaha qaar uu la daba joogo. Cabdi Iilay cayda aflagaadada uu ku hayo beelaha qaar isaga oo isticmaalaya hantida dad waynaha waxa u dheer in dulmi cadaalad daro tii uugu xumayd ee deegaanka Soomaalida soo marta uu sameeyay.
 
Falalkan anxshax xumada ah ee uu sameeyay waxa ay dhaliyeen in bulshada gobolka Shiniile su’aalo iska waydiiso kasii mid ahaanshaha maamulka Cabdi Iilay iyaka oo ka dhawaajiyay inay samaystaan maamul gobolka Shiniile gooni u ah.
Si kastaba ha ahaatee madaxwayne Cabdi Iilay ayaa isagu waxa uu ku sifoobay shakhsiyad ka aradan anxashaxa suuban,isaga oo caadaystay cayda iyo afxumada beelaha qaar uu la daba taagan yahay adeegsanaya hantidii dadwaynaha.
 
Waxa intaa dheer iska horkeenka beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyada oo mararka qaar afxumadiisa uu qurbaha la yimaado beelahana ku caaya.
Arinkan uu ku kacay Cabdi Iilay ayaa ah 

isagu mid ugub ah kana baxsan dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed gaar ahaan kan bulshada gobolka Shiniile oo iyadu caado u leh in dariska ay kula noolaato is qadirin,ixtiraam iyo si sinaani ku jirto in loo wada noolaado.
Wax yaabaha ka yaabiyay bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka waxa kamid aflagaadada wekba ‘’xogogaal’’ la yidhaahdo uu ku hayo beelaha soomaaliyeed badhkood gaar ahaan bulshada gobolka Shiniile.
Waxa webkan oo wali dad badani aynan la socon waxa uu qorayo uu kula kacay aflagaado iyo cay badheedh ah bulshada gobolka Shiniile iyo Ugaas kooda.
 
Wax yaabaha la iswaydiinayo ayaa ah waxa ku kalifay webkan in anshax xumada intaa le’eeg ee ka baxasan diinta islaamka ee xaniifka ah iyo dhaqanka suuban ku kalifay. Waa jawaab u taalaa cida falkan ka dambaysa inay ka jawaabto waa arin wax la iska waydiin doono waxa ku kalifay kuwa caadaystay.
Hab dhaqanka Cabdi Iilay ee ugubka ah oo isagu kusoo ururay, fidnada, isku dirka lagu kala fogaynayo beelaha soomaaliyeed,cadaalad darada qayaxan,maamul xumada,aflagaadad iyo cayda qaawan ee beelaha badhkood lagu hayo iyo musuq maasaqa baahsan ee ka jira deegaanka waxa uu la filayaa in uu soo dadajiyo xilka qaadista shakhsigan ka aradan sifooyinka lagu yaqaano qofka xilkaska ah.
Waxa bulshada deegaanku ay filaysaa in xilka qaadistiisu ay lagama maar maan ay tahay iyada oo la dhowraya wada jirka iyo wada noolaanshaha ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka.
 

Waxa maal mahan la isla dhex marayay deegaanka in Cabdi Iilay laga tiring doono xilka uu hayo,waxasi xilka qaadistiisa kaliya ku xidhan tahay wakhti uun,iyada oo la filayo inay noqoto bilaha soo socda hadii ba aynan noqon todobaada soo socda.
 
Bulshada in badan ayaa iyakuna waxa ay iswaydiinayaan waxa dowlada federal ku ay talaabo uugu qaadi laadahay Cabdi Iilay iyada oo arinkani dad badan shaki wayn ku abuuray in federal ka laftigiisu raali ka yahay waxan ka socda deegaanka.
                        Caddaawe Xaaji
 
 
 

 

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]