|

11/16/11 -C Daahir Gaboobe Ma Itoobiyaan baa Mise Waa Qaxooti Soomaaliya

Jigjiga (Xog Ogaal) Odayaasha Beelaha Qaxootiga ku ah Degaanka Soomaalida ayaa dhawaan bilaabay inay shaqo qaxooti ka furtaan arrimaha Xukuumada Degaanka Soomaalida. Odayaashan oo badankoodu haysta aqoonsiyo laga bixiyay Xerada Qaxootiga ee Dharwanaaje ayaa waxay dood ka dhigtaan inay muwaadiniin Itoobiyaan ah yihiin.

Hadaba waxaan akhristoo idiin soo bandhigaynaa ninka isku sheega inuu yahay Af Hayeenka Beesha Samaroon ama Gadabuursi ee lagu magacaabo Cabdi Daahir Gaboobe, waxa uu yahay iyo waxa uu ka shaqeeeyo.

Cabdi Daahir Gaboobe waxaa uu ka soo qaxay Gobolka waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya waxaana uu ku sugnaa Qaxootiga Dharwanaaje ilaa sannadkii 2002 markii dib loogu celiyay Gobolka Awdal ee dalka Soomaaliland. intii uu Daahir Riyaale madaxwaynaha ka ahaa dalkaas waxaa uu ahaa odayaasha qabyaaladu madax martay ee ku taama inuu u taliyo dalka Somaliland.

Bishii January 20keedii, 2011. waxaa uu ku sugnaa Tuulada Qulujeed ee Gobolka Awdal iagoo u tartamayay inuu loo dhiibo xukunka Gobolka Awdal. Maqaal lagu qoray Bogga LUGHAYA.COM oo magaciisu ahaa “Shaki Laga Qabo Burburka Shirbeeleedka J/Yoonis Ee Qulujeed Iyo Dareenada Hordhaca Ah Ee Ku Saabsan Shirkaasi” ayaa waxaa si faahfaahsan uu u dhigayaa xajmiga Somaliland ee uu Cabdi Daahir Gaboobe ku leeyahay Gobolka awdal.

Si kastaba ha ahaatee, 19 maalmood ka bacdi markii lagu sugnaa tuulada Qulujeeed, ayaa Cabdi Daahir Gaboobe oo ku sugan Hotelka Rays ee Magaalada Boorama waxaa ay kula kulmeen laba wasiir oo ka tirsan Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo kala ah Wasiirka Madaxtooyda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xirsi Cali Xaaji Xasan & Maxamed Cabdi Gaboose. Wadahadalkaa oo albaabadu u xidhnaayeen waxaa wax ka qoray Bogga Wargeyska Geeska Afrika. Hadaladii uu Cabdi Daahir Gaboobe ka yidhi kulankaa waxaa ka mid ahaa:-

Waxa aanu halkan uga gudbinaynaa Madaxwaynaha oo aanu u faraynaa in beesha Jibriil Yoonis saami wixii ay lahayd ay ka maqan tahay, shalayna sodoh ayay ahayd, waxaanu leenahay yaa haya saamigii beesha Jibriil Yoonis, waxaan leeyahay Habar-jeclaa haysa”. Sidaa waxa yidhi Cabdi Daahir Gaboobe oo ah afhayeenka beesha Jibriil yoonis oo kulanka albaabadu u xidhnaayeen ka hadlay markii uu dhammaaday isaga oo muujinaya tabashada jirta.

Afhayeenka beesha Jibriil yoonis Odey Cabdi Daahir Gaboobe, waxa uu yidhi “Waar sodoh ayaanu shalay ahayn dee maanta ha is dul dhig dhigan” waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin taagero ah u diraya Madaxwayne Axmed Siilaanyo “Waxaanu Madaxwaynaha u faraynaa in dagaalada ka dhacaya Somaliland ay beesha Jibriil Yoonis u taagan tahay inay dagaalka ka qayb-qaadato iyo inay ka qayb-qaadato abaaraha, anaga oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo u gudbinaya inuu halkiisa naga siiyo cadkayagii

Hadaba is waydiintu waxay tahay, Cabdi Daahir Gaboobe xaq ma u leeyahay inuu 20 cisho dabadeed hadana yimaado Addis Ababa oo uu ka hadlo danaha Aw Bare. Waxaan Xukuumada Degaanka Soomaalida ka codsanaynaa inay odayaashaa Qaxootiga ah ay talaabo adag ka qaadato oo ay sharciga hor gayso. Dhinaca kale, waxaan Xukuumada Degaanka Soomaalida faraynaa in la kala garto dadka Qaxootiga iyo dadka Wadanka u dhashay iyo kuwa sida sharci darada ah u soo galaya wadanka.

Xog Ogaal

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]